Garoonka Diyaaradaha Hargaysa oo laga Hirgaliyay Goobo Looga Hortego Fayruska Shiinaha Ka Dilaacay

Published: January 30, 2020


Garoonka diyaaradaha Cigaal International ee Magaaladda Hargaysa ayaa laga geeyay kooxo dhakhaatiir ah oo ka hortega Fayruska ka dilaacay wadanka Shiinaha ee Corona Virus.

Madaxweynaha somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta booqday garoonka isagoo soo kormeeray qaabka uu socda heeganka la galiyay Dakhaatiirta iyo goobaha loo sameeyay si loo karantiino dadka ka imaanaya Caalamka ee looga shiyo inay Qabaan Cudurkaas.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in maamulkiisu bixin doono kharashka ku baxaya goobaha iyo dhakhaatiirta loogu talagalay inay ka hortegaan xanuunkaas, wuxuuna kula dardaarmay inay foojignaan dheeri ah sameeyaan.

Viruska Corona ee ka dilaacay dalka Shiinaha ayaa ilaa hadda ku dhacay dad ka badan todobo kun oo qof, waxaana u dhintay 170 qof, Viruska oo mid khatar ah ayaa u gudbay wadamo tiro badan oo ay ku jiraan wadamada Itoobiya, Kenya iyo Imaraadka.

HORSEEDMIDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *