Garoowe: Waalidiin Codsi u Diray Madaxweyne Farmaajo

Published: January 30, 2020

Qaar ka mid ah waalidiinta reer Puntland ayaa ka codsaday madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya in Ardayda Puntland degdeg loogu fasaxo shahaadada Dugsiga sare

Waalidiinta oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Garoowe waxay dalbadeen in waxbarashada laga dhex saaro khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo Maamulka puntland.

Waalidiintu waxay sheegeen in aan marna qiil loogu heli karin in ardayda reer Puntland laga hor istaago waxbarashada iyo inay helaan shahaadada dugsiga sare oo ah xaqooda asaasiga ah oo uu dastuurku siinayo

“Waxbarashadu waa xuquuq Asaasi ah oo ay leeyihiin dhammaan ummadda Soomaaliyeed sida uu qabo qodobka 30aad ee dastuurka Federaalku”

Ugu dambayntii, waalidiintu waxay ugu baaqeen masuuliyiinta Federaalka iyo kuwo Puntland inay la yimaadaan xal deg deg ah oo wax looga qabanayo khilaafka sababay in Ardayda Puntland ay heli kari waayay shahaadada dugsiga sare si ay waxbarsho heer jaamacadeed uga raadsadaan dalka Dibadiisa.

Ilaa 5000 kun oo arday oo ka qalinjabiyay dugsiyada Sare ee Puntland ayaan weli helin Shahaadada dugsiga sare ee federaalka khilaafka u dhexeeya Wasaaradda waxbarashada ee federaalka iyo Puntland darteed.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *