Puntland oo Baaris Caafimaad Ku Samaynaysa Dadka Ka yimaada Shiinaha

Published: January 30, 2020

Shirkii gollaha wasiirada Puntland oo uu shir goddoominayay madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaasha ayaa maanta oo looga hadlay qorshe wasaaradda Caafimaadku soo gudbisay oo la xiriira Viruska ka dilaacay wadanka Shiinaha Conari Virus.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Puntland Cali Xasan Sabareey ayaa sheegay in Wasaaradda Caafimaadka ay gollaha horkaynta qorshe dhakhaatiir iyo khuburo lagu gaynayayo Garoonada diyaaradaha ee Puntland halkaasi oo lagu baari doona dadka ka soo degaya garoomada diyaaradaha ee Bosaso iyo Garoowe.

Viruska Corona ee ka dilaacay dalka Shiinaha ayaa ilaa hadda ku dhacay dad ka badan todobo kun oo qof, waxaana u dhintay 170 qof, Viruska oo mid khatar ah ayaa u gudbay wadamo tiro badan oo ay ku jiraan wadamada Itoobiya, Kenya iyo Imaraadka.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *