Boqor Burhaan Oo lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Salalah

Published: January 31, 2020

Waxaa xalay gaaray Magaalada labaad ee dalka Cumaan ee Salalah wafti uu hoggaaminayo Boqor Burhaan Boqor Muuse Boqorka Beelaha Daarood, halkaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyay

Boqor Burhaan oo maalmahan booqasho ku joogay wadanka Cumaan ayaa ka soo kicitimay Caasimadda Cumaan ee Masqad.

Boqorka iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey Garoonka Diyaaradaha Salalah, waxaa soo dhoweeyey shuyuukhda beelaha carabta, Meheri, Daarood, Kuthayr iyo kuwa kale.

Jeneraal Ahmed Mohamed Gahthani oo ah Sheekh, Xildhibaanna ka ah Barlamanka Yemen iyo taliyihii booliska hore ee Gobolka Mahra ee cumaan ayaa hoggaaminayay masuuliyiinta soo dhaweysay Boqorka.

Waxaa Boqorka halkaas si gaar ah ugu soo dhoweeyey Soomaalida ku dhaqan Dalka iyo odoyaasha ka soo jeeda beesha daarood ee dalka cumaan

Boqorka iyo waftiga la socda mudada ay joogaan waxay kulama dhaqan la geli doonaa odoyaasha Beesha Daarood iyo Beelaha kale ee Carbeed ee wadanka Cumaan.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *