Erdogan: Marna Aqbali Mayno qorshaha Bariga Dhexe ee Donald Trump

Published: January 31, 2020

Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in dalka Turkigu uusan marna aqbali doonin qorshaha qorshaha Bariga Dhexe ee uu shaaca ka qaaday madaxweyne Donald Trump, qorsahaa oo loogu yeera Heshiiska Qarniga.

Erdogan waxaa uu sheegay in heshiiska qarniga ee Trump uu yahay mid Isreal siinaya inay dhammaan la wareegto dhulka Daanta Galbeed ee Falastiyiinta

Heshiiska Qarniga ee Trump oo uu soo dhaweeyay Ra’isul Wasaaraha Isreal Benyamin Netanyaho ayaa Magaaladda Qudus u aqoonsanaya caasimada aan kala qaybsamin Isreal. Heshiisku wuxuu kaloo uu dhigayaa in dhammaan degaamadda Yuhuuda ee ku yaal Dhulka Falastiniyiinta ay Isrealyiintu gacanta ku sii hayaan oo dhulkooda ku darsadaan.

Dhinaca kale, Erdogen wuxuu ku eedeeyay dalalka carabta qaarkood inay taageerayaan qorshaha Trump. Wadamadaas oo uu magacaabay ayuu ku sheegay Sucuudi Carabiya, Masar, Imaraadka, Urdun iyo Baxrayn

Wuxuu sheegay in Dalalka carabtu ay samaynayaan khayaan qaran oo ka dhan Qudus iyo shacabka Falastiniyiinta

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *