India: Booliiska oo Toogasho Ku dilay Nin Afduubay Caruur iyo Haween

Published: January 31, 2020

Booliiska Hindiya ayaa toogasho ku dilay nin afduubay 20 qof oo isugu jiray Haween iyo caruur gobolka waqooyiga Hindiya ku yaal ee Uttar Pradesh.

Boolisku ayaa weerar ku qaaday guriga uu afduubuhu ku hayay haweenka iyo caruurta ka dib markii lagu guuldaraystay 10 saac oo boolisku isku dayayeen inay afduubaha ku qanciyaan inuu sii daayo dadka uu afduubka u haystay.

Labo askari oo booliiska ka tirsan iyo qof deganaa xaafada uu ka dhacay afduubku ayaa sidoo kale ku dhaawacmay weerarka booliisku qaadeen.

Boolisku waxay sheegeen in afduub ka dib Dad ka caraysan ay weerareen Haweenay u qabay ninka afduubka gaystay, taasi oo markii u dhimatay dhaawacii ka soo gaaray weerarkaas.

Ninka afduubka gaystay ayaa la sheegay inuu caruurta iyo haweenka u casuumay xaflad dhalasho ah oo u sameeyay gabar uu dhalay kadibna uu afduub uu sameeyay. Ma Cadda waxa ku kalifay Ninkan inuu afduubka gaysto.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *