Safiirka Somaliya ee Turkiga oo Ka Jawaabay Eedaymo Loo Soo Jeediyay-DAAWO

Published: January 31, 2020

Safiirka dowladda federaalka Soomaaliya u fadhiya magaaladda Ankara ee xarunta wadanka Turkiga Ambassador Jaamac Cabdullaahi Maxamed {Caydiid} ayaa ka jawaabay eedaymo loo soo jeediyay oo la xiriiray dadkii ku dhaawacmay qarixii muqdisho 28 December ee loo qaaday Dalkaasi

Safiirka oo shir jaraaid ku qabtay magaalada Ankara waxaa uu sheegay in safaraadu aysan wax shaqo ku lahayn dib u celinta dadka dhaawaca ee lagu dabiibayo cusbitaalada Turkiga

“Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkigu Shaqo kuma lahan Dib u celinta dadkii Soomaaliyeed ee Xaaladda Caafimaad ay Dawladda Turkigu usoo Qaaday”. ayuu yir safiirku

Safaaradda Somaliya ee Turkiga ayaa lagu dhaliilay inay ku khasbaysa dadka dhaawaca ah ee lagu dabiibayo Cusbitaalada in dib loogu celiyo magaalada Muqdisho iyadoo aan xaaladooda caafimaad wanaagsanayn.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment