Tirada dadka uu dilay Viruska ka dilaacay Shiinaha Oo Korodhay

Published: January 31, 2020

24kii saac ee u dambeeyay waxaa korodhay tirada dadka u dhintay Viruska Corona Virus ee ka dilaacay Wadanka Shiinaha.

Tirada dadka uu dilay Viruska ayaa hadda kor u dhaaftay 213 qof iyadoo 24 saac ee la soo dhaafay ay dhinteen dad gaaraya 43 qof, halka uu xanuunku uu ku dhacay dad ku dhow 10 Kun oo qof.

99 boqolkiiba dadka uu xanuunka soo ritay ayaa ah dad u dhashay wadanka Shiinaha iyadoo dhammaan dhimashada ka dhalatay Viruskan ay ka dhacday Magaalada Wuhan oo ah meesha uu ka bilowday Virusku

Hay’adda Caafimaadku Adduunku waxay xaqiijisay in Virusku uu gudbaay oo laga helay Wadada Thailand, Japan, Singapore, Australia, Malaysia,Maraykanka, France, Germany, North Korea, South Korea, the Imaraadka, Canada, Vietnam, Talyaaniga , Nepal, Cambodia, Sri Lanka, Finland Hindiya iyo wadamo kale.

Wadamada Ruushka iyo Hindiya ayaa gebi ahaanba xiray xuduuda ay la wadaagaan Shiinaha. Waxaa la joojiyay inta badan diyaaradihii rakaabka ee tegi jiray wadanka Shiinaha, sidoo kale wadamada Maraykanka, Faransiiska, Japan, Australiya ayaa bilaabay inay dadkooda ka soo daagureeyaan Magaalada Wuhun.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *