Wasiir janan oo doon ku tagay magaalada Kismaayo.

Published: January 31, 2020

Cabdirashiid Xassan Cabdinuur Janan Wasiirkii Amniga Maamulka Jubaland ayaa maanta gaaray Magaalada Kismaayo, Janan ayaa la sheegay in uu dooni kasoo raacay Magaalada Muqdisho, waxaana la geeyay aqalka martida ee Kismaayo sida ay horseed Media u xaqiijiyeen ilo ku sugan Magaalada Kismaayo.

Janan ayay Dalada Federaalka ah ee Soomaaliya ay sheegtay in uu ka baxsaday xabsigii uu ku jiray 28kii bisha january, Wasiirka ayaan xirnaa mudo ku dhaw 5 bilood. waxaana 31dii bishii August laga qabtay Garoonka Aadan Cade xili uu ku sii jeeday Magaalada Adisababa.

Horseed Media, 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *