Wasiirkii Qorshaynta Jubaland oo is casilay.

Published: January 31, 2020

Adam Aw- Xirsi Wasiirkii Wasaarada Qorshaynta io xiriirka caalamiga ah ee Jubaland ayaa sheegay in uu gebi ahaanba iska casilay xilkii wasiirnimo ee uu ka hayay maamulka Jubaland, isagoo sheegay in gebi ahaanba uusan damiirkiisu qaadan karin in uu kasii mid ahaado maamul hoy siinaya dadka ka cararaya cadaalada, kaas oo uu ula jeedo wasiirka Amnigga Jubaland oo maanta soo gaaray magaalada Kismaayo ka dib markii uu kasoo baxsaday gacanta DFS.

Adam Aw-xirsi ayaa tweeterkiisa ku baahiya qoraal kooban waxa uuna sheegay “Laga billaabo maanta, waxaan iska casilay xilkii wasiirnimada ee Wasaaradda Qorshaynta & Iskaashiga Caalamiga ah ee Jubaland. Damiirkaygu ma oggola in aan qayb ka sii ahaado maamul u dabbaal-dega oo hooy siiya nin caddaaladda ka baxsanaya oo ku eedaysan ku xad-gudub xuquuqda aadamiga.Waxaan kaabbahaygii hore uga mahad-celinayaa fursadda uu ii siiyey in aan dadkayga u adeego”

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *