Madasha Xisbiyada oo qodobo ka soo saaray jaha wareerka siyaasadeed ee Galmudug

Published: February 1, 2020

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Galmudug, iyadoo Madashu caddeysay inay si dhow ula socotay xaaladda siyaasadeed ee ka jirta Galmudug.

Warka Madasha ayaa lagu sheegay in xaalada ka taagan Galmudug ay ka soo bilaabatay  kala fogeyntii madaxdii wada shaqeyneysay ee maamulka dabayaqaadkii bishii June ee sanadkii hore, qaabkii lagu soo dhisay guddigii farsamada maamul dhisida iyo hannaankii lagu soo xulay xildhibaannada iyo cabashooyinkii ka soo baxayay odayaashii soo xulay Galmudug-tii Cadaado lagu soo dhisay sanadkii 2015-kii.

Sidoo kale Madashu ayaa sheegtay inay aad uga walaacsan tahay khilaafka ka aloosan Galmudug iyo inay yeelato seddax maamul oo is diidan, kuwaas oo saameyn aan wanaagsaneyn ku yeelanaya midnimada dadka reer Galmudug.

Madasha xisbiyada qaran ayaa lix qodob oo isugu jiray Baaq iyo digniin ka soo saaray xaaladda siyaasadeed ee ka taagan Galmudug.

Madashu waxay ugu baaqeen madaxda dowladda inay ka joojiyaan faragelinta ay ku hayaan, in khilaafka siyaasadeed, inta uusan keenin bey dheheen ” gacan ka hadal “.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *