Trump oo Xayiraad Dhinaca Socdaalka Ku Soo Rogay Lix Wadan

Published: February 1, 2020

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa xayiraad dhinaca Socdaalka ah ku soo rogay dadka ka imaanaya lixda Wadan oo afar ka mid ah ay yihiin dalal afrikaan ah.

Lixda Wadan ee xayiraada socdaalka lagu soo rogay saddex ka mid ah dadka ku nool waxay u badan yihiin Muslimiin, halka saddex kalena ay ku noolyihiin tiro badan oo dad musliim ah.

Muwadiniinta ka soo jeeda Wadamada Eritrea, Kyrgyzstan, Myanmar iyo Nigeria ayaa laga mamnuuci doonaa in soo dalbadaan Fiiso ay deganaasho ku heli karaan, sidoo kale wadamada Tansania iyo Suudaan ayaa laga mamnuucayaa inay ka qaybgalaan Barnaamijka Bakhtiyaanasiibka ee Loteryka ee la siiyo muhaajiriinta ka imaanaya caalamka.

Aqalka Cad ee Maraykanka oo warsaxafadeed soo saaray ayaa ku sababeeyay xayiraada socdaalka ee wadamadaas lagu soo rogay inay buuxin waayeen shuruudihii amniga qaranka Maraykanka.

Sharciga Cusub ee xayiraada socdaalka ku soo rogay wadamadaasi ayaa la filayaa inuu dhaqan galo 22 bishan Febraayo 2020.

Donald Trump ayaa hore socdaal ugu soo rogay toddobo wadan oo ay ka mid tahay Somaliya,Iran, Libya, Somalia, Syria, Yemen. Waqooyiga Kuuriya iyo Venezuela.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment