Jaamacadda Carabta oo Ka Hor Timid Heshiiska Bariga Dhexe ee Trump

Published: February 2, 2020

Wasiirada arrimaha dibadda Jaamacadda Carabta oo kullan degdeg ah ku yeeshay Magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa ka hor yimid Qorshaha madaxweynaha Maraykanka ee Heshiiska Bariga Dhexe

Kulankan waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas Abuu maasin oo dhowaan ku dhawaaqay in Dawladda Falastiin ay go’aansatay inay xiriirka u jarto Mareykanka iyo Israel ayaa laga soo saaray bayaan.

Dhamaan dalalka ku midaysan Jaamacadda Carabta waxay sidoo kale sheegeen in qorshahan uusan aheyn mid horseedi kara heshiis nabadeed oo ka hirgala Bariga dhexe iyo dhulka Falastiin.

Axmed Abul Qayd xoghayaha guud ee ururka Jaamacadda Carabta ayaa soo jeediyay bayaankii ay shirkooda kasoo saareen waxaana uu yiri

“Falastiiniyiintu way diidan yihiin xaaladda hada jirta iyo qorshaha Maraykanka, sababta oo ah maaha mid buuxinaysa himilooyinkooda oo dhab ah, wadamada Carabtuna ma aqbalayaan qorshahaas”

Qorshaha Trump ee nabadaynta Falastiyiinta iyo Isreal oo loogu magac daray heshiiska qarniga ayaa ogolaanaya in degaanada yuhuuda ee daanta Galbeed ee dhulka falastiyiinta ay ku sii jiraan gacanta Isreal sidoo kalena magaaladda Qudus ay tahay caasimada Isreal ee aan qaybsamin.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *