Madaxwayne Xaaf oo ka hadlay doorashada maanta ka dhaceysa Dhuusamareeb

Published: February 2, 2020

Madaweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in doorashada maanta ka dhaceysa Magaalada dhuusamareeb ay tahay mid aan waxba ka jirin,isla markaana ay tahay mid la dhoodhoobey.

Isaga oo Warbaahinta kula hadlayay Gaalkacyo ayuu sheegay in doorashada Maanta ka dhaceysa Magaalada Dhuusamareeb ay tahay mid lagu doortey Axmed Baasto oo mar sheegtay in uu yahay Madaxweynaha Galmudug.

Waxaa uu sheegay in Madaxda Dowladda Soomaaliya ay dad ka Sahqeeya Xafiisyadooda ay ka soo aruuriyeen Magaalada muqdisho,isla markaana ay kamid noqdaan baarlamaana galmudug.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *