Maraykanka oo war kasoo saaray doorashada maanta ka dhacaysa Galmudug

Published: February 2, 2020

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Donald Yamamoto ayaa xalay qoraal kooban oo uu soo saaray ku sheegay in si dhow uu ula socdo xaaladda siyaasadeed ee Galmudug, oo la filayo inay maanta doorasho ka dhacdo magaalada Dhuusamareeb.

“Waxaan uga baaqeynaa qof kasta inuu ka fogaado halista rabshado, isla markaana lasii wado in laga qeyb qaato wada-hadallo nabadeed,” ayaa lagu yiri qoraalka Yamamoto oo lasoo dhigay barta twitter-ka safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya.

Warka kasoo baxay Yamamoto ayaa imanaya ayadoo guddiga doorashada Galmudug ee garabka ay garwadeenka ka tahay dowladda federaalka ay horay shaaciyeen in Axadda maanta ah magaalada Dhuusomareeb lagu qaban doono doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

Doorashadan ayaa waxaa horey u qaadacay musharaxiinta mucaaradka ee aan la dhacsaneyn doorka ay dowladda dhexe ku leedahay doorashda, iyo ururka Ahlu-Sunna Waljamaaca, oo horey u qabatay doorasho ay Sheekh Maxamed Shaakir ugu doorteen madaxweynaha Galmudug.

Dhankiisa Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa weli ku adkeysanaya inuu yahay madaxweynaha sharciga ee Galmudug, wuxuuna xarun ka dhigtay magaalada Gaalkacyo oo uu ka wado dhismaha maamul Seddaxaad.

Doorashada lagu madalsanyahay maanta, ayaa haddii ay dhacdo waxaa ka qeyb-gali doona oo kaliya musharaxiin lagu xaglinayo dowladda federaalka.

Xaaladda amman ee magaalada Dhuusomareeb ayaa aad loo adkeeyey, waxaana jidadka, gudaha iyo daafaha magaaladaas lagu daadshay ciidamo aad u badan oo ay horay ugu daabushay dowladda federaalka, kuwaas oo mid-mid u baaraya dadka iyo gaadiidka, waxaana la yareeyey isusocodka gadiidka dadweynaha.

Dhinaca kale Waradrka soo baxday xaafiiska Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo garabka Ahlu-Sunna ay madaxweyne u doorteen, ayey beesha caalamka uga dalbadeen inay soo fara geliso doorashada la doonayo in maanta lagu qabto Dhuusamareeb, oo sida ay sheegeen dhibaato ka dhalan karto.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *