Biixi oo Ballanqaaday Kharashka Ku Baxay Xarun Lagu Dabiibo Carruurta Wadnuhu Daloolo

Published: February 3, 2020

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa xalay booqday cusbitaalka gargaar gaar ahaan xarun lagu dabiibo, islamarkaana qalliinno loogu sameeyo carruurta yar yar ee soo dhasha iyaga oo wadnuhu daloolo oo Kharashka ku baxaya laga bixiyey qasnadda qaranka.

Madaxweynuhu waxa uu farxadda iyo rayn-reynta la qaatay carruurta iyo waalidiinta dhashay ubadka ku dhashay iyaga oo wadnuhu daloolo oo daaweyn guulaysatay oo aanay lacagi kaga bixin loogu fuliyey dalka gudihiisa, kuwaas oo ay wejiyadooda ka muuqatay farxadda caafimaadku.

Qaar kamid ah dhakhaatiirta gacanta ku haya daaweynta loo sameeyey ubadka yar yar ee wadnuhu daloolay oo halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday dedaalka ay u galeen carruurta yar yar iyo dhibaatadii ay hore u soo mareen, waxana ay ballan qaadeen inay sii wadi doonaan caawinta ubadka yar yar, iyaga oo madaxweynahana ku ammaanay sida uu ugu dhiirraday inuu bixiyo kharashka lagu daboolay baahida caafimaad ee ubadkaas.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhakhaatiirta uga mahadceliyey kaalinta ay ka qaateen daaweynta ubadkaas yaryar, waxana uu caddeeyey inuu carruurtaas kharashkii lagu daaweeyey ka bixiyey qasnadda qaranka, waxana uu yidhi, “Kharashku waa kharashkii qaranka, xaq baynna ku leeyihiin, ninka masuulka ahina wixii qaranku hayaa, wax Hooyaday iyo Aabahay iiga tageen oo anigu aan leeyahay oo gaar ah maan bixine waa xoolihii qaranka, iyagaana ugu mudan oo qofka bukaanka ahina qaranka wixiisa wax buu ku leeyahay.”

Carruurta soo dhalata iyaga oo wadnuhu daloolo, ayaan haatan ka hore dalka gudihiisa waxba lagaga qaban jirin, islamarkaana intii kharash hesha oo kali ahi ay dalka dibaddiisa qaban jirtey, balse madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa go’aansaday inuu isagu bixiyo kharashkaas, dalka gudihiisana la keeno agabka iyo dhakhaastiirta loo baahan yahay si ubadkaas dalka wax loogu qabto.

Ugu dambayntii, waxa uu madaxweynuhu cusbitaalka International ee magaalada Hargeysa ku booqday Oday Maxamed Diiriye oo ah Aabaha dhalay wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) oo xaalad caafimaad u jiifa halkaasi.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *