Puntland oo Codsatay in La Hakiyo Sharciga Duulista Hawada ee Barlamaanka Horyaala-DAAWO

Published: February 3, 2020

Wasiirka duulista hawada iyo garoomada Puntland Xuseen Cismaan Lugatoor (Gabiley) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Garoowe ayaa qaadacay sharciga duulista hawada Soomaaliya oo horyaala golaha aqalka sare ee dalka.

Wasiirku wuxuu sheegay in sharcigan aanu ka turjumaya nidaamka federaalka, islamarkaana aan laga talagalin maamul goboleedyada xubnaha ka aha dowladda federaalka

“Puntland waxay leedahay hawada ugu ballaaran Somaliya , marka laga hadlay hawada, Puntland waxay leedahay 6 Garoomo diyaaradeed oo shaqeeya” ayuu yiri Wasiirku

https://www.facebook.com/PuntlandStateTV/videos/172344827407899/

Mar uu wasiirku ka hadlayay dhaqaalaha ka soo xarooda lacagaha laga helo hawada sare ee Soomaaliya, waxaa uu sheegay in waxba ka soo gaarin dowladda Puntland..

Wasiirku wuxuu ka codsaday xildhibaanada aqalka sare ee federaalka inay hakiyaan oo wadatashi la galiyo sharciga hawada sare oo xukuumadda Federaalku ay hor gaysay barlamaanka.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *