Wefti Iiraniyiin ah oo laga Horjoogsaday Ka Qaybgalka Shirka IOC ee Jidda

Published: February 3, 2020

Boqortooyada Sucuudiga ayaa ka horjoogsatay wafti ka socday dowladda islaamiga Iiran inay ka qaybgalaan shirka ururka iskaashiga Islaamla ee OIC oo maanta oo isniin ah ka dhacaya magaaladda Jidah.

Afhayaheen u hadlay wasaaradda arrimaha dibada ee Iiran oo lagu magacaabo Cabaas Mousavi ayaa sheegay in dowladda Boqortooyada Sucuudi Carabiya ay u diiday waftiga Waraaqaha dal ku galka sucuudiga (VISA)

Dowladda Sucuudigu waxay ka horjoogsatay waftiga inay ka qaybgalaan shirka oo lagaga hadlayo qorshaha madaxweynaha Maraykan Trump ee Nabada Bariga dhexe ee Heshiiska qarniga” ayuu yiri Afhayeenku

Mousavi wuxuu sheegay inay warqad cabasho ah u gudbiyeen Ururka OIC, dowladda Sucuudigu weli kama hadlin eedaynta Iiraan. Dowladda Iiraan ayaa cambaaraysay Heshiiska madaxweyne Trump, halka boqortooyada Sucuudigu aysan weli ka hadlin mowqifka ay ka taagan tahay.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *