Askari Ka Tirsan Ciidanka Booliiska oo lagu Dilay Bosaso

Published: February 4, 2020

Koox hubaysan ayaa rasaas ay fureen waxay ku dileen askari ka tirsan ciidamada Booliiska mid kalena waxaa soo gaaray dhaawac.

Weerarkan oo ka dhacay duhurnimadii maanta bartamaha magaaladda Bosaso ayaa kooxda dilka gaysatay ay baxsadeen sida ay goobjoogayaal u sheegeen idaacada VOA-da.

Askariga dhintay iyo midka dhaawacmay ayaa ka tirsanaa ciidamada booliiska ee Ilaalada waaxda cashuuraha beriga ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.

Labo toddobaad ka hor ayay ahayd markii askari kale oo ka tirsan Booliiska lagu dilay bartamaha Magaaladda Bosaso. Ma jirto ilaa hadda war ka soo baxay dowladda Puntland oo ku saabsan weerarka maanta ka dhacay Bosaso.

Kooxaha Alshabaab iyo Daacish oo ka howlgala Buuraha Cal Madow iyo Cal Bari ee Puntland ayaa dilal noocan oo kale oo lagu bartilmaameesanayo askarta booliiska waxay ka fulinayeen magaaladda Bosaso 10 kii sanno ee la soo dhaafay

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *