Cabdiraxmaan Odawaa '' Marqaati-beenaale kama noqon karro wixii ka dhacay Galmudug''

Published: February 4, 2020

Wasiirkii Hore ee Arimaha Gudaha Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Odowaa kana mid ahaa musharaxiintii u taagnaa xilka madaxweynaha Galmudug ayaa gebi ahaanba kasoo horjeestay doorashooyinkii ka dhacay Galmudug.

Odawaa waxa uusheegay in dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya sida ay ula dhaqmeen dhismaha maamulka Galmudug ay taariikhdu xusi-doonto, Sideed bilood oo gacan maroojis iyo amar ku taagleyn ay galmudug ka dhalatay sadex madaxweyne.

” Aniga oo laf dhabar u ahaa raggii awlaba maamulkaas halkaas ka keenay, waxaan u taagnaan donaa inaan mar kale ka qayb noqdo isku baadi-goobka dadkii kooxda Villa Somalia ay kala irdheeyeen. Inta ka horeysa dulmi iyo garbaduub muuqda kama noqon doono marqaati-beenaale, cadaalad daradii aan tartanka uga haray kadib ma jirto sabab aan midkood ugu hambalyeeyo” ayuu yiri Wasiir Odawaa.

Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa u aqoon-satay Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor in uu yahay Madaxweynaha Gal-mudug, Halka Madaxweyne ku xigeena ay u aqoon-satay Cali Daahir Ciid, sidoo akle isla galmudug shirar dhacay waxaa Madaxweynayaal iyaggana loogu doortay Axmed Ducaale Xaaf iyo Sheekh Shaakir Cali Xasan.

HorseedMedia, 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

2 Comments