Iiraan oo Dil Ku Fulinaysa Jaajuus Maraykanka U Shaqaynayay

Published: February 4, 2020

Amir Rahimpour oo dowladda Iiran ay ku soo eedaysay inuu u jaajuusayay hay’ada sirdoonka maraykanka ee CIA, islamarkaana isku dayay inuu u gudbiyo Maraykanka xog la xiriirta barnaamijka Nukliyeerka Iiran ayaa Dil lagu fulinayaa sida ay baahisay Wakaalada wararka Iiraan ee Fars .

Labo sarkaal oo kale oo u shaqaynayay hay’adda gargaar ayaa lagu xukumayay xabsi u dhexeeya 5 sanno ilaa 10 sanno iyagoo lagu eedeeyay jaajuusnimo iyo inay khatar ku yihiin amniga qaranka Iiraan.

Amir Rahimpour wuxuu ka tirsanaa unug jaajuus oo u shaqeeya hay’adda CIA kuwaasoo doonayay inay gudbiyaan xogta barnaamijka Nukliyeerka Iiran” Sidaas waxaa yiri Gholamhossein Esmaili oo ah afhayeenka wasaarada cadaalada Iiran.


Bishii Julay ee Sanadkii hore, dowladda Iran waxay sheegtay inay burburisay Unug jaajuus oo u shaqaynaysa hay’adda Sirdoonka ee CIA, waxayna xirxirtay 17 qof.

Hay’adda CIA weli kama hadlin dilka lagu fulinayo Sarkaalka lagu eedeeyay inuu u jaajuusayay hase yeeshee madaxweynaha Marayknka Donald Trump ayaa qoraal uu soo dhigtay bartiisa Twitterka wuxuu been abuur ku sheegay in Iiran ay qabatay oo xukuntay Sarkaal CIA-da u shaqaynayay.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *