Maxkamad Waxba Kama Jiraan Ka Dhigtay Doorasho Sanadkii Hore ka Dhacday Malaawi

Maxkamada dastuuriga ah ee wadanka Malaawi ee koonfurta Qaaradan Afrika ayaa waxba kama jiraan ka dhigtay doorashadii madaxtinimada ee Sanadkii hore ka dhacday Dalkaasi

Doorashadan oo dhacday bishii May 2019 ayaa dib loogu doortay madaxweyne Peter Mutharika, taasi oo dhalisay banaanbaxyo iyo iska hor-imaadyo ballaaran oo ka dhacay wadankaasi oo lagu diidan yahay natiijada doorashadda.

Madaxweyne Mutharika ayaa codad tiro yar kaga guulaystay musharixii la tartamayay ee Lazarus Chakwera, isagoo helay 38.5% codadkii la tiriyay. Ninka la tartamayay ayaa ku gacan sayray natiijada isagoo sheegay in la xaday doorashadii waxaana uu dacwad u gudbiyay maxkamada dastuuriga ee dalkaasi.

Maxkamadu waxay amar ku bixisay in muddo 150 maalmood gudahood ah lagu qabto doorasho cusub, maxkamadu waxay kaloo xukuntay in madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenku ay xilka sii hayn doonaan ilaa iyo inta la dooranayo madax cusub.

HORSEEDMEDIA

You May Like

Reader Interactions

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *