Miino La Qarxday Baabuur ay Saarnaayeen Dad Aroos u socday

Published: February 4, 2020

Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada hoose ee koonfurta Somaliya ayaa sheegaya in ilaa 4 qof ay ku dhinteen 6 kalena dhaawacyo ay soo gaareen kadib markii baabuur ay saarnaayeen ay miino la qaraxday.

Dadka dhintay iyo kuwo dhaawacmay ayaa u socdeen inay ka qaybgalaan xaflad Aroos ah. Gaariga ay saarnaayeen ayaa miinadu kula qaraxday wadada u dhaxaysa degmooyinka Afmadow iyo Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose ee maamul goboleedka Jubbaland.

Ma jirto koox sheegatay inay ka dambeeyeen qarax miinada ah ee ay ku dhinteen dadka shacabka ahi, inkastoo degaamadaas ay ka howlgalaan ururka Alshabaab.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *