Wasiir Janan oo gaaray Degmada Beledxaawo.

Published: February 4, 2020

Magaalada Beled-xaawo ee Gobolka Gedo waxaa maanta lagu soo dhaweeyey wasiirkii amnigga Jubaland Cabdirashiid Janan kaas oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Nairobi oo uu aaday xaalad caafimaad ka dib markii uu kasoo baxsaday Gacanta DFS oo sanadkii soo lasoo dhaafay ku xirtay Magalaada Muqdisho.

Isla Gobolka Gedo waxaa ku suggan ciidamo ka tirsan Jubaland iyo kuwa kale oo ka amarqaata DFS, mudooyinkii danbena waxaa si wayn gobolkaas ciidamo kala duwan ugu soo daabulayay Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya sidoo kale maamulada degmooyinkaas u magacawday jubaland ayaa qaarkood sheegay in ay toos uga amar-qaadan doonaan Dawlada Dhexe.

Hay’ada Amnesty International ayaa shalay war-saxafadeed ay soo saartay waxay dalka Kenya ugu baaqday in la xirro Cabdirashiid Janan kaas oo ay ku eedaysay in uu gaystay gabood-fallo ka dhan ah arimaha bani’aadanimada.

Horseed Media, 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *