Aqalka Senate-ka Oo u Codeeyeen in uusan wax Dembi ah Gelin Trump

Published: February 6, 2020

Aqalka Senate-ka Mareykanka ee ay u badan yihiin xibisga Jamhuuriga ayaa u codeeyay in madaxweyne Trump uusan wax dambi ah gelin oo Xilka Loogu xayuubiyo

Aqalka Sanet-ku waxay laaleen labo dambi oo xubnaha aqalka Wakiilada ee Kongraysku ay ku soo eedeeyeen Madaxweye Donald Trump, kuwaasoo kala aha ku takrifalid awooddeed iyo is-hortaagid baadhitaanka congress-ka.

52 Xildhibaan ayaa u codeeyay inuusan madaxweynuhu wax dambi ah gelin halka 48 xildhibaana ay u codeeyeen inuu madaxweynihi dambi galay oo ay tahay in xilka laga qaado.

Mitt Romney oo laga soo doorto gobolka Utah ayaa noqday xildhibaanka kaliya ee ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ee u codeeyay in madaxweynaha uu ku takri falay awood oo ay tahay in laga xayuubiyo Xilka isagoo la saftay mudanayaasha xisbiga dimoqraadiga Maraykanka.

Dacwada ka dhanka ah madaxweyne Trump oo bilaabatay bishii November ee sanadkii hore ayaa hadda soo afjarantay , waxaana hadda dalka Maraykanka looga diyaargaroobayaa dooorashada madaxtinimada ee Bisha november ee Sanadkan.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *