Madaxweyne Qoor-Qoor oo isugu yeeray Golaha Wasiirada ee Galmudug.

Published: February 6, 2020

Ahmed Abdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa ku amray Golaha Wasiirada Galmudug in ay si degdeg ah isugu yimaadaan Magaalada Dhuusa-mareeb ee Caasimada Maamulka Galmudug, Madaxweynaha ayaa amray wasiirada in ay sii wadaan shaqooyinka ay bulshada u hayeen.

Golihii wasiirada Galmudug ayaa si wayn ugu kala qayb-samay doorashadii ka qabsoontay Magaalada Dhuusa-mareeb iyagoo ku kala biiray dhinacyadda ku muransan siyaasada Galmudug, Golahaan ayaa waxaa soo magacaabay Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Geelle Ducaale Xaaf.

Ilo kala duwan ayaa noo xaqiijiyay In madaxweynaha Galmudug ee dhawaan la doortay Ahmed Qoor-Qoor oo dhisamaha golaha wasiirada cusub uu ka horaysiin doono isku keenidda iyo heshiis guud in laga gaaro khilaafka siyaasadeed ee Galmudug ka taagamn.

Horseed Media 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *