Boqor Burhaan oo Ku Baaqay In Laga Soo Saaro Ardayda Soomaalida ee Ku Xayiran Shiinaha

Published: February 7, 2020

Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ku sugan Wadanka Saldanada Cumaan ayaa ka codsaday madaxda dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada inay si degdeg ah ugu gurmadaan ardayda Soomaaliyeed ee ku xaniban Dalka Shiinaha , halkaasi oo uu ka dilaacay Viruska Corona Virus.

“Waxaa halkaas naga jooga arday Soomaaliyeed oo waxbarasho u jooga. Waxaan ugu baaqayaa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada in si deg deg ah xil layskaga saaro ardaydaas, oo lala gaaro wax allaale wixii gurmad ah oo lagu badbaadin karo” ayuu yiri Boqor Burhaan boqor Muuse

Boqorka wuxuu ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto u rajeeyay inay iska kaashadaan Khayre iyo Horumarka

Dhinaca kale, Boqor Burhaan wuxuu dowladda Shiinaha ugu baaqay inay joojiyaan dhibta ay ku hayaan dadka Muslimiinta ee Iigoorka oo malaayin qof oo shacabkaas ka mid ah lagu hayo Xabsiyo waaweyn oo lagu sheegay in lagu bedelo dhaqankooda.

Waxaan xasuusinaynaa Dalka SHIINAHA dhibta ay Muslimiinta IIGOORKA ku hayaan inay leedahay cawaaqib xumo, waxaan ugu baaqaynaa dowladaas in la joojiyo Gumaadka, oo ay u ogolaadaan Qowmiyaddaas Xuqooqdooda.

Dhimashada uu dhaliyay Viruska Corona ayaa aad u sii kordhaysa iyadoo tirada dadka u dhintay ay haataan marayso 636, halkas dad ka badan 30 Kun qof uu ku dhacay Viruska.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *