Dad Ka Badan 700 Qof oo u Dhintay Cudurka Coronavirus

Published: February 8, 2020

24 saac ee la soo dhaafay waxaa u dhintay Cudurka Coronavirus 86 qof, waxaana u xanuunku soo ridatay 3000 qof oo cusub., iyadoo tirada guud ee dadka u dhintay cudurkaas ay gaadhay 721 qof.

in ka badan 34,546 ku oo qof ayaa ilaa hadda uu cudurku ku dhacay iyadoo tirada dadka looga shakisan yahay inay qaadeen balse aan weli muujin calaamadihii cudurka ay gaarayaan 185,555 kun oo qof ( Boqol iyo Sideetan kun oo qof).

Viruska Corona oo markii hore ka dilaacay magaalada Wuhan ee Shiinaha ayaa hay’adda caafimaadka Adduunka ee WHO waxay u dhawaaqday xaalad degdeg ah oo caalami ah. Dalal badan ayaa dadkooda ka daadgureeyay Shiinaha iyagoo uga digay inay u safraan dalka Shiinaha.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *