Thailand: Askari Toogasho Ku Dilay 20 Qof

Published: February 8, 2020

Toogasho ka dhacday Wadanka Thailand ee koonfur Bari qaarada Aasiya ayaa waxaa ku geeriyooday 20 qof ka dib markii Askari uu rasaas ku furay dad shacab ah oo ka dukaamaysanayay magaaladda Nakhon Ratchasima.

Askarigan ayaa ka hor intiisan uusan gaysan falka xasuuqa ah wuxuu dilay taliyihiisii ka dibna wuxuu qaatay hub yaalay xero milateri sida uu sheegay afhayeenka wasaaradda gashaandhiga Thailand.

Askarigan oo da’diisa lagu sheegay 32 jir oo adeegsanayay hubka darandooriga dhaca ayaa rasaas aan kala sooc lahayn ku furay dad rayid ah oo ka dukaamaysanayay dukaamo ku yaal bartamaha magaaladda

Wargayska Bankok Post oo soo xiganaya saraakiil booliska ah ayaa baahiyay in askariga hubaysan oo afduubay tiro dad ah isagoo gabaad ka dhigtay Dhismo ku yaal bartamaha magaalada

Qoraalo ama hadalo uu soo dhigay bartiisa facebooga ayuu ku sheegay in aan qofka ka baxsan karin geerida iyo aad baan u faraxsanahay. qoraalada kale ee soo dhigay waxaa ka mid ahaa Ma is dhiibaa.

Sidoo kale, Booliiska ayaa goobta shilku ka dhacay keenaya Hooyada dhashay askariga dadka laayay si ay ugu qanciyaan inuu is dhiibo oo sii daayo dadka uu afduubka u haysto.

Ilaa iyo Hadda Ma Cadda sababta ku kaliftay inuu toogasho ku dilo dad gaaraya 20 qof, qaar kalena uu afduub u qabsado.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *