Wasiir Cabdirashiid Janan oo ka hadlay qaabkii uu uga baxsaday Xabsiga.

Published: February 8, 2020

Cabdirashiid Xasan Cabdinuur { Janan } ayaa tan iyo markii uu kasoo baxsaday xabsigga waxa uu ka hadalay sidii loola dhaqmay mudadii uu ku jiray gacanta Dawlada, sababtii loo xiray, sida uu kusoo gaaray Magaalada Kismaayo iyo halka uu hadda ku sugan-yahay. Janan oo waraysi siiyay idaacada BBC ayaa arimahaan si faahfaahsan uga hadlay.

Ugu horayn waxa uus heegay in markii la xiray aan la gayn xabsi balse lagu hayay guryo dad gaar ah leeyihiin “ Sida uu horayba sarkaal ka tirsan ciidamada asluubta Soomaaliya bulshada ugu caddeeyay, aniga xabsi la ima geynin. Markii garoonka diyaaradaha la iga qabtay, waxaa i qabtay niman boolis ah oo labisan iyo niman dharcad ah oo isla socda, mid ka mid ah dharcadka ayaana amrayay ciidanka” ayuu yiri.

Cabdirashiid Janan waxa uu ka hadlay qaabkii loola dhaqmay intii gacanta lagu hayay ”Aniga iyo niman askar ah oo dhowr iyo toban ah ayaa isla joognay xaafado ay dad shacab ah u dhisteen si gaar ah, halkaas ayaana la igu hayay. Runtii askarta gacanta igu heysay wax xumaan ah oo ka baxsan amarrada la siinayay oo ay ii geysteen ma jirin, laakiin waxaa jirtay xumaan farabadan oo amarro askartaas lasoo siiyay ah oo ay ku khasbanaayeen inay fuliyaan”

Wasiirka Amnigga Jubaland Cabdirashiid Janan ayaa dhanka kale faahfaahiyay sababihii loo sheegay in loo xiray “Markii ugu horreysay waxaa la ii sheegay in sababta la ii xiray ay tahay dalab ku aaddanaa inaan dowladda Federaalka ku wareejiyo ciidamo 1000 askari ah oo daraawiish ah, laakiin ma aqbali karin arrintaas, balse aniga waxaan fahansanaa in la ii xiray arrimo ku saabsan doorashadii ka dhacday Kismaayo, waxaana la igula kaftamay in la iga daba keeni doono madaxweyne Axmed Madoobe” ayuu yiri.

Mar la waydiiyay su’aal ku saabsan inuu ka warramo qaabkii uu ku baxsaday, Cabdirashiid Janan wuu qoslay, wuxuuna ku jawaabay “ Way jirtaa inaysan cidna i sii deynin, howl aan aniga isku xirxiray oo uu Rabbi ii fududeeyay ayaan kusoo baxsaday, Markii aan ogaaday inaan la i sii deyn doonin ilaa wax kasta oo ay dowladda federaalka rabto ay ka sameysato Jubbaland, waxaan go’aansaday inaan qorsheeyo sidii aan uga bixi lahaa gurigii la igu hayay, kaddibna shan boqol oo kiiloo mitir ayaan soo maray badda Markii aan baxay kaddib saddex maalmood iyo saddex habeen ayaan joogay Muqdisho. Waxaana ii suurtagashay inaan xilli maalinnimo ah soo raacay doon. Doonta waxaa ii waday niman Soomaaliyeed oo iyaga iska leh, cidna ima soo raacin oo kaligey baan ahaa” ayuu yiri.

Ugu danbayn Janan oo warysigaan siinayay Idaacada BBC waxa uu sheegay in hadda uu ku sugan-yahay Magaalada Beled-xaawo isagga iyo wafti ka socda Dawlada Jubland, ujeedada ay u joogaan ayuu ku sheegay in qorsheynayaan inuu qabtaan degmoyin ka tirsan gobolka Gedo.

Horseed Media, 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *