Wasiir Juxaa ” In reer Puntland talo buuxda iyo wadatashi ka yeeshaan hannaanka Dawladnimada Somalia waa dood u baahan in laga fara buuxsado”

Published: February 8, 2020

Cabdi Faarax Siciid Juxaa Wasiirkii Hore ee Arimaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta DFS ayaa ka hadlay shir Wada-tashiya oo uu shalay iclaamiyay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, Juxaa waxa uu sheegay in uu soo dhawaynayo shirkaas uuna yahay mid muhiim u ah dadka reer Puntland in ay wada-tashi buuxa ka yeeshaan hanaanka dawladnimadda Soomaaliya lagana fara-buuxsado.

Go’aanka golaha xukuumadda Puntland ee maanta iyo khudbadda Madaxweyne Deni waxay kusoo aadeen xilli ku habboon. In reer Puntland talo buuxda iyo wadatashi ka yeeshaan hannaanka Dawladnimada Somalia iyo qaabka loo wajahayo waa dood soo daahday, loona baahan yahay in laga fara buuxsado” ayuu yiri Siyaasi Juxaa.

Juxaa waxa uu tilmaamey xusay in22-sano kadib markale dadka Reer Puntland ay muhiim tahay inay is-dultaagaan, in Somaliyada cusubi u ekaato tii duntay ee taladu gacanta qur ah ku jirtey iyo in ay noqoto mid wax badan ka kala leeyahay oo taladu daadegto, waxna la wadaago oo midnimada iyo wadajirka guud la ilaaliyo.

In Somaliyada cusubi u ekaato tii duntay ee taladu gacanta qur ah ku jirtey (Centralized City State Government), iyo inay noqoto mid wax badan kakala leeyahay oo taladu daadegto, waxna la wadaago oo midnimada iyo wadajirka guud la ilaaliyo (Confederal or Federal system) sidii horey loogu heshiiyey ayey tahay in reer Puntland 22 sano kadib markale is-dultaagaan” ayuu sii raaciyay Juxaa.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdilaahi Deni ayaa ku dhawaaqay in 15-ka bisha Maarso ee sannadkan 2020 ay qaban-doonaan shirwayne guud oo looga tashanayo aayaha Puntland, waxaana uu shirkaas ku marti-qaaday Xildhibaannada labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku matala Puntland iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee dadka Reer Puntland.

Horseed Media, 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. qof cudurka canserku uu haayo in uu yiraahdo cudurkii waan kabaxay qofkaan neecaawda iyo caafimaadka uu helilahaay qofkaasi ayeey somalia heli laheed haddiii ay go do puntland .