Bosaso:Agaasime Ku Eedaysnaa Musuqmaasuq oo Lagu Xukumay 3 Sanno.

Published: February 9, 2020

Maxkamada derejada kowaad ee gobolka Bari ayaa maanta xukun Saddex Sanadood ah ku riday Agaasime Waaxeed loo haystay eedaymo musuqmaasuq, waxayna xoriyadiisa dib u celisay Isu-duwihii Wasaaradda kalluumaysiga Puntalnd ee Gobolka Gardafuu.

Guddoomiyaha Maxkamada Abukar Cabdinuur Jaamac oo ku dhawaaqay go’aanka maxkamada ayaa sheegay in maxkamadu ku heshay Agaasimaha waaxda Kalluumaysiga ee wasaarada Kaluumaysiga Puntland Maxamed Cali Muuse dabi ah inuu sameeyay documentiyo Been abuur ah, islamarkaana waxay ku xukuntay saddex Sanno ah oo ah.

Maxkamadu waxay dambi ku waysay oo xoriyadiisa u celisay Mahad Cali Carcar, isu duwaha wasaarada kalluumaysiga gobolka Garfaduuf

https://www.facebook.com/PuntlandStateTV/videos/214160479726227/

Maxamed Cali Muuse ayaa maxkamadu siisay muddo saddex maalmood ah inuu rafcaan kaga qaato xukunka maxkamadeed ee ku dhacay

Labada Eedaysane ee midna la sii daayay midna la xukumay ayaa lagu soo eedeeyay inay sameeyeen Dukumentiyo Abuur ah oo ay leedahay wasaaradda Kalluumaysiga, dukementiyada ayaa lacagaha laga qaadi jiray Doonyaha iyo maraakiibta ka kaluumaysta xeebaha Puntland.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *