Farmaajo oo Booqday Darbiga Lagu Dhajiyay Sawirka Aadan Cadde- Daawo

Published: February 9, 2020

Madaxweynaha dowladda Federaalka Somaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan xarunta midowga afrika ee Adis-ababa ayaa booqday Derbiga hoolka Nelson Mandela ee xarunta Ururka Midowga afrika halkaasi oo lagu dhajiyay sawirka madaxweynihii u horreeyay ee Somaliya Aadan Cabdulle Cusmaan (Cadde) Alle ha u naxariistee,

Aadan Cabdulle wuxuu kamid ahaa aasaasayaashii Ururka Midnimada Afrika, kaasi oo hadda loo baddalay ururka Midowga Afrika,

“waxaana farxad noo ah in saaka sawirkiisa lagu dhajiyay Darbiga Hoolka Nelson Mandela ee Xarunta Ururka oo uu muddo ka maqnaa si loo muujiyo kaalintii muuqatay ee uu ka qaatay yagleelidda Ururkan” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo

Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya , Maanta oo Axad ah waxaa lagu wadaa in  uu si rasmi ah uga furmo Shirka 33-aad ee Madaxda Dowladaha iyo dalalka ku mideysan Midowga Afrika.

Shirkan oo socon doona inta u dhexeeysa 9-10-k a  bishan  Febaraayo ayaa waxaa lagaga arrinsanaya dib-u-habeynta hay’adaha Midowga Afrika, hirgelinta aagga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda, xoojinta arrimaha nabadda iyo amniga ee dalalka Midowga iyo doorashada Madaxweynaha cusub ee Midowga Afrika sannadka 2020-ka.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *