Khilaafka u dhaxeeya DFS iyo Dowladaha xubnaha ka ah oo saamayn ku yeeshay dib u eegista dastuurka.

Published: February 10, 2020

Xoghayaha guddiga dib u eegista Dastuurka labada aqal ee Baarlamaanka Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya Xuseen Sheikh Maxamuud ayaa sheegay in xiriirka aan wanaagsnayn ee ka dhaxeeya Dawalada Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Dowladaha xubnaha ka ah federaaalka uu saamayn ku yeeshay hawlihii la xiriiray dib u eegista Dastuurka Dalka iyo shaqadii uu gudiggu wadday.

Senotor Xuseen ayaa sheegay in aysan muuqan doorkii madaxweynaha dowladda Federaalka iyo Xukuumadiisa ay ku lahaayeen ka qaybgalka socodsiinta dib u eegista Dastuurka dalka, dhankoodana ay dhameeyeen qabyo-tirkiisa. Madaxda DFS iyo Dawlada Goboleedyadda ayuu u soo jeediyay in wax laga badalo caqabadda ku hor-gudban socodsiinta dib u eegista Dastuurka dalka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *