Madaxweyne Farmaajo oo Khudbad ka jeediyey Meertada 33-aad ee Shir Madaxeedka Midowga Afrika.

Published: February 10, 2020

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa khudbad ka jeediyay Meertada 33-aad ee Shir Madaxeedka Midowga Afrika Madaxweynah ayaa Khudabadiisa ku sharaxay Guulaha ay Soomaaliya gaartay caqabadaha weli jira iyo dadaalada ay wadaaan ee la xiriira horumarinta Amniga waddanka iyo soo kabashada dalka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu xusay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ay ku dabar-gooynayso khatarta argagixisadu ay ku hayaan nolasha muwaadiniinta, arrinkaas oo uu sheegay in uu horseedayo xasilinta dalka iyo soo celinta maqaamka aan ku lahayn Afrika ”Soomaaliya waxa ay noqon kartaa xarun dhaqaale oo xooggan oo door muhiim ah ka qaadanaysa horumarka Qaaradda, marka la fiiriyo khayraadkeeda, goobta istaraatijiga ah ee ay ku taallo iyo dadkeeda halabuurka ganacsi leh.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

”Cunaqabataynta hubka ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay xaddidaysaa awooddii aan ku heli lahayn hubka lagama-maarmaanka u ah in laga adkaado argagaxisada kuwaasi oo qaraxyo guryaha lagu sameeyay la beegsada muwaaddiniinta aan waxba galabsan iyo ganacsiyada gaarka loo leeyahay.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa dul istaagay muhiimadda midnimada iyo wadajirka dalalka Afrika ay u leedahay xaqiijinta hiigsayada shucuubta Qaaradda ee u ooman horumarka, kobaca Dhaqaalaha iyo nolasha wanaagsan ee ay mudan yihiin.

Horseed Media, 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *