Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo u safray Dalka Germany

Published: February 10, 2020

Axmed Cilmi Cismaan Karaasha Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa maanta ka dhoofay Magalaada Garoowe caasimada Puntland isaggoo ku wahajan Dalka Germany, Madaxtooyada ma shaacin ujeedada safarka Madaxweynaha balse ilo aan la xiriirnay ayaa noo sheegay in madaxweynuhu hawlo u gaar ah oo ay qayb ka tahay kuwa caafimaad uu ugu ambabaxay Dalka Germany.

Garoonka diyaaradaha ee Garoowe, waxaa madaxweyne ku-xigeenka ku sii sagootiyay xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Puntland, Saraakiil Ciidan iyo Masuuliyiin kale.

Horseed Media, 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Ninkan caqligiisa intoo jiraa oo salaanta Xisbigii Hitleer ee Cunsuriga ahaa illaaa iyo hada Niyoonaatsiga Jermani ay isticmaalaan isku sawiraya asigoo germany u socdo illaahoo noo ceeb astur.