Wasiirka Patrolka Somalia oo booqday Safaarada Soomaaliya ee Suudaan.

Published: February 10, 2020

Cabdirashiid Maxamed Axmed Wasiirka Patroolka Soomaaliya oo dhawaan gaaray Magaalada Kharduum ee dalka Suudaan ayaa maanta booqday Safaarada Soomaaliya ee Dalka Suudaan.

Masuuliyiinta Safaarada Soomaaliya ayaa wasiirka uga warbixiyay sida ay u shaqayso safaaradu iyo adeegyadda ay siiyaan bulshada Soomaaliyeed ee ku xiran, Wasiirku intii uu joogay waxa uu sidoo kale booqday Shirkadaha Dalka Suudaan ee ka shaqeeya Arimaha batroolka iyo Macdanta.

Wasiir Cabdirashiid ayaa sidoo kale la kulmay dhigiisa dalka suudaan iyagoo ka wada-hadlay cilaaqaadka ka dhaxeeya labada dawladood wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya ay u diyaar garoobayso sidii ay khayraadkeeda dihin uga faaidaysan lahayd.

Horseed Media, 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *