Labo ka mid ah ragii kufsadey oo diley Caasho Ilyaas oo dil lagu fuliyey

Published: February 11, 2020

Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari waxaa maanta dil lagu fuliyey laba nin kamid ah raggii loo xukumay kiiskii dilka iyo kufsiga ahaa ee Caaisha Ilyaas Aadan oo bishii February ee 2019 ka dhacay Gaalkacayo ee xarunta Gobolka Mudug.

Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige ayaa la toogtay saaka sida uu xaqiijiyay aabaha dhalay caasho ilyaas, waxa uuna sheegay in qisaasta ay fushadeen ehelka gabadha.

Cabdisalaam Cabdiraxmaan Warsame oo la walaal ah Cabdifitaax ayaa dib loo dhigey arrinkiisa muddo toban beri ah kaddib codsi ka yimi labada dhinac, sida uu sheegey Ilyaas Aadan (aabbaha Caaisha) Maxkamadaha Puntland ayaa hore saddexda ninba ugu xukumay dil.

Waa kiiskii ugu horreeyey ee noociisa ah guud ahaan Soomaaliya ee lagu baadhay hab-sayniseed isla markaasna la fuliyo xukunkiisa oo soo maray maxkamadaha kala duwan ee Puntland.

Horseed Media, 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *