Farmaajo iyo Biixi oo Ku kulmay Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Ethiopia

Published: February 11, 2020

Xafiiska ra’isul wasaaraha Ethiopia ee magaaladda Adis-ababa ayaa waxaa kulan ku yeeshay madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Kulankan oo qaatay muddo 40 daqiiqo ah ayaan la ogayn waxyaabaha iyo qodobada ay ka wada hadleen madaama kulanku uu ahaa mid labadooda kaliya wada qaateen iyadoo ayan cidna ku wehelin.

Wadahadalada u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamulka Somaliland ay dhowrjeer baaqday iyadoo Somaliland marar badan eedo u soo jeedisay dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha dowlada federaalka ayaa magaaladda Adis-ababa uga qaybgalay shirweynaha ururka midowga Afrika, halka madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo uu shalay soo gaaray magaaladda.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *