Puntland oo Digniin u Dirtay Shirkadaha Batroolka Ka Baaraya Somaliya- WAR-MURTIYEED

Published: February 11, 2020

Dowladda Puntland ayaa mar kale ku celisay inay diidan tahay sharciga batroolka ee uu saxiixay madaxweynaha dowladda federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni

War-murtiyeed ka soo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Puntland aysan qayb ka noqon doonin sharciga batroolka ilaa meesha laga saarayo qodobobada ka soo horjeeda dastuurka iyo hanaanka federaalka ee dalka

” Waxaanu ku wargalinaynaa dhammaan shirkadaha caalamiga ee danaynayna maalgashiga soo saarista shidaalka Soomaaliya bad iyo berriba inay ka fogaadaan heshiis ku salaysan sharciga batroolka ee cusub ee uu saxiixay madaxweynaha Somaliya” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka, waxaana la sii raaciyay

“dowladda Puntland waxay uga digaysaa inay u hanqal taagaan khayraadka batroolka ee ceegaaga dhulkeeda iyadoo aan loo soo marin sifo sharci ah” ayaa lagu warmurtiyeedka

dowladda Puntland waxay ugu baaqday maamul goboleedyada dalka inay ka wada tashadaas masaaliixdooda, ayna wada ilaashadaan hanaanka sharci iyo maamul ee uu qeexayo dastuurka dalka oo ah xeerka ugu sareeya Dalka.

Madaxweynaha dowladda federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay Sharciga batroolka oo ay hore u soo ansixiyeen xildhibaanada labada aqal ee barlamaanka federaalka.

HALKAN KA AKHRISO WAR-MURTIYEEDKA

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *