Puntland oo Ka Hadashay Sababta Loo Kala Reebay Ragii Kufsaday oo Dilay Caa’isho Ilyaas

Published: February 11, 2020

Wasiirka cadaaladda dawladda Puntland Cawil Shiikh Xaamud oo warbaahinta kula hadlay Garowe ayaa ka hadlay sababtay mid ka mid ah saddex nin ee kufsiga iyo dilka u gaystay caa’isho Ilyaas looga reebay dilkii toogashada ahaa ee ka dhacay Bosaso.

Wasiirku wuxuu sheegay in Aabaha dhalay marxuumada Caa’isho uu doortay in dib loo dhigo dilka qisaasta ah ee Eedaysano Cabdisalaam Cabdiraxmaan Warsame

“Mid baa laga reebay , Saddexdii nin ee loo haystay kugsiga iyo dilka caa’isha Ilyaas oo caa’isho Aabaheed ayaa wax ka doortay in dib loo dhigo oo dacwadiisa la qaado ilaa iyo inta xaalkiisu cadaanayo” ayuu yiri Wasiirku

https://www.facebook.com/PuntlandStateTV/videos/1036390283394054/

Wasiirku wuxuu sheegay in dilka toogashada ah ee lagu fuliyay ragii kufsaday oo dilay caa’isho Ilyaas uu fariin cad u dirayo dadka falalka kufsiga ah ku howlan, waxaa kaloo uu wasiirku sheeegay inay ka go’antahay dowlad ahaan inay cadaalada horgeeyaan qof kasta oo ku kaca kufsi.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *