Cumar Filish: Muqdisho Waa Magaaladii Dadka Ku Hadla Afka-Somaliga- DAAWO

Published: February 12, 2020
Duqa Muqdisho Cumar Filish oo la hadlay Isimo ka kala yimid Garoowe iyo Jigjiga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo xalay kulan casha sharaf ah u sameeyay Isimo ka socday dowlad Puntland iyo dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegay in Muqdisho tahay magaaladii dadka Afsomaliga ku hadla ee Garisa, Jigjiga, Jabuuti iyo Hargaysaba

Filish wuxuu sheegay inuu qaadayo masuuliyada cidii ama qofkii dareema in laga sheeganayo magaaladda Muqdisho

“inta aan ahay duqa Muqdisho, haddii ay dareemaan inaysan Muqdisho ula mid ahayn qofka ku dhashay ama hadda degan masuuliyadeeda anniga qaadanaya

Maamulka iyo shacabka gobolka Banaadir waxaa ka go’an Somalida Garisa, Jigjiga, Jabuuti , Hargaysaba iyo Tan Muqdisho si isku mid ah ula macaamilaan”

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa wasiirro iyo Xildhibaano katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, guddoomiye ku-xigeennada maamulka gobolka Banaadir, odoyaal dhaqameed, fannaaniin iyo qeybaha bulshada rayidka.

Islaan Ciise oo ku baaqaya in laga shaqeeyo Midnimada Ummada Somaliyeed

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *