FBI oo Kenya u Tababaraysa Saraakiil Sirdoon oo La Dagaalama Alshabaab

Published: February 12, 2020

Hay’adda FBI Maraykanka ayaa tababar u bilowday 42 sarkaal si gaar ah loo soo xulay oo ka tirsan laanta ka hortega argagixisada ee Kenya.

Dambirayaashan ayaa tababar 12 Usbuuc ah ku qaadanaya Machadka FBI ee gobolka of Virginia halkaasi oo lagu bari doono casharo la xiriira ka hortega argagixisada

Saraakiishan waxaa loo tababari doono qaababka ugu casrisan ee loo baaro dhammaan falalka argagixisada ee muhiimka u aha rrimaha amniga ee Wadanka kenya

Tallaabadan ayaa imaanaysa ka dib markii aqalka cad ee Maraykanka ay ku kulmeen Madaxweynaha Maraykanka Donald trump iyo madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata

Kenya waxay la tacaalaysaa weerar argagixiso oo ururka Alshabaab ee Somaliya ay ka fuliyaan gudaha wadanka kenya gaar ahaan gobolka waqooyi bari iyo gobolka xeebta.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *