Garoonka Stadium Muqdisho oo la dhigay Rooga Cagaaran.

Published: February 12, 2020

Garoonka kubadda Cagta ee Muqdisho Stadium ayaa si rasmi ah loo dhigay rooga cagaaran ee lagu dheelo kubadda cagta, Daah-furka dhigista roogaan waxaa goob-joog ka aha Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya, Mareeyaha wakaalada dhismaha qaranka, Masuuliyiin ka tirsan Gobolka Banaadir iyo Xiriirka kubadda cagta Soomaaliya.

Stadium Muqdisho aya amudooyinkii danbe waxaa ka socday dhisme iyo dayactir xoog leh oo ay waddo dawlada, waxaana lagu wadaa in la qabto kulamo caalami ah iyo uwa ay ku tartamayaan kooxaha ka jirra gudaha Soomaaliya, Sanad ka hor ayaa Garoonkaan laga saaray Ciidamada Amiso oo degennaa.

Sidoo kale Masuuliyiinta ka socday Dawlada ayaa hakiyay dhisme ka socday gudaha Graoonka Stadium Muqdisho, waxayna ciidamada Booliska fareen in la ilaaliyo dhulka Garoonka.

Horseed Media, 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *