Jubaland oo Sheegtay Inay Fashilisay Qorshe Lagu Khalkhal Galinayay Amniga Kismaayo-DAAWO

Published: February 12, 2020

Wasiirka warfaafinta Dowlad-goboleedka Jubbaland oo galabta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in ciidanka amniga Jubbaland ay fashiliyeen isku day la doonayay in lagu khalkhalgaliyo nabadgelyada magaaladda Kismaayo

Wasiirku wuxuu ku eedeeyay Dowladda Federaalku inay ka dambaysay tallaabooyinka lagu khal khal gelinayay nabadgelyada magaalada Kismaayo.

Eng Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed Wasiirka warfaafinta Dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in ciidanka amniga Jubbaland ay dhabarka ka jebiyeen qorshe ay Dowladda Federaalku ugu talo gashay in ay ku bur-buriso nabadgelyada magaalada Kismaayo, iyada oo adeegsanaysa kooxo malayshiyaad ah.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay safarkii ay maanta magaalada Kismaayo ku yimaameen Taliyaha howlgalka AFRICOM Stephen Townsen iyo safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Donal Yamamoto.

Magaaladda Kismaayo ayaa maanta waxaa israsaasayn dhexmartay ciidamada amniga Jubbaland iyo maleeshiyaad taabacsan Cabdinaasir Seerar oo isagu horay u sheegay in uu yahay madaxweynaha Jubbaland.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *