Maraykanka oo Dib U Bilaabay Dhaqaalihii uu Siin Jiray Milateriga Somaliya

Published: February 12, 2020

Dowladda Mareykanka ayaa maanta dib u billowday kaalmadii ay siin jirtay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, waxa ayna ka billowday hir-gelinta xarunta Saadka Ciidanka Xoogga Dalka ee gobolka Shabeellaha.

Xaruntan oo noqoneysa tii ugu horreysay ee Ciidanka Xoogga Dalka ku yeeshaan meel ka baxsan Muqdisho, si weyna loo qalabeeyay ayaa waxa ay fududeyneysaa isu gudbidda saanadda ciidanka ee gobollada Koofureed, taas oo qeyb ka ah qorshaha argagxisada looga xoreynayo gobollada Koofureed ee dalka.

Dib-u-billaabidda kaalmada Mareykanka ee ciidamada Soomaaliya ayaa ka dambeysay dib-u-habaynta ay dowladda Soomaaliya ku sameysay guud ahaan nidaamka ay ku shaqeeyaan ciidamada qalabka sida iyo diiwaan-gelinta casriga ee loo sameeyay, taas oo musuqii meesha ka saartay.

“Waxaan u mahadcelinayaa dowladda Mareykana oo dadaalkeena oqoonsatay oggolaatayna inay caawinta ciidankeena dib-u-billowdo, ” ayuu yiri Wasiirka difaaca dalka, mudane Xasan Cali Maxamed.

“Dadaal dheer oo aan galnay, kaddib waxaan ciidankeena ka nadiifinnay nooc kasta oo musuq ah, taas oo keentay in aan aqonsannay nuuca caawin aan u baahannahay, isla markaana aan kasbanay aaminaadda bahwadaagteena”, ayuu raaciyay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya..

Mudane Xasan Cali Maxamed Wasiirka Difaaca ee Dalka ayaa hadalkiisa ku daray “Maanta ciidankeena waxa uu la jaanqaadayaan ciidamada dowladaha waaweyn marka laga fiiriyo dhanka nidaamka, taas oo sahleysa tayeynta ciidanka iyo howlgallada lagula dagaallamayo cadowga,”

Mareykanka ayaa joojiyay kaalmada uu ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed siin jiray dabayaaqadii sanadkii 2017, kaddib markii la ogaaday musuq maasuq baahsan ee ka jiray nidaamka ciidanka xoogga, balse dowladdu ay iminka ku guuleysatay arrintaas.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *