Shir Sanadeedka Garsoorka Soomaaliya oo ka furmaya Magaalada Muqdisho.

Published: February 12, 2020

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya maanta waxaa ka furmi doona shirwaynaha Garsoorka oo sanadka loogu magac-daray ” Cadaalada Loo Siman-yahay” Shirkaan oo ah kii la qabto sanadkii labaad waxaa ka qaybgali doona Hay’ada Garsoorka Dawlada Dhexe, kuwa Maamul-goboleedyadda iyo Wasaarada Cadaalada Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya.

Shirkaan waxaa sanadka lagu lafa-guri doonaa caqabadaha heysta garsoorka dalka iyo sidii loo tayeyn lahaa, Wasaaradda Cadaaladda ee dowladda Federaalka ayaan lagu waddaa in ay shirka kusoo bandhigti doonto warbixino ku saabsan xaalada garsoorka dalka.

Mudooyinkii danbe waxaa jiray kalsooni la’aan la sheegay in lagu qabo gaar ka mid ah hay’ada Garsoorka ee Soomaaliya iyadoo warbixino ay warbaahintu baahisay ay sheegayaan in qaar ka mid ah dadka ay u garsoor doontaan deegaanada uu ururka Alshabaab ka taliyo.

Dawlada Soomaaliya ayaa mudooyinkii danbe ku dadaalaysay sidii kor loogu qaadi lahaa tayada hay’ada Garsoorka, sidoo kalena loo horumarin lahaa aqoonta shaqaalaha ahay’adaha Cadaalada bulshadana loogu baraarujin lahaa in ay ku kalsoonaaadaan.

Horseed Media 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *