DFS oo Ka Qaybgashay Shirka iskaashiga difaaca dalalka Africa iyo Hindiya.

Published: February 13, 2020

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Xasan Cali Maxamed Amar-dambe oo ka qeyb-galay shir caalami ah oo ay ka qey-galayeen Wasiirada Difaaca Dalalka Africa iyo India, kaasi oo diiradda lagu saaray iskaashiga  difaaca dalalka Africa iyo India.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Difaaca dalka India Ragnath Singh, waxaana Dowladda India ay balan-qaaday in Soomaaliya ay ka taageeri doonto dhinacyo kala duwan oo dhanka ciidanka u badan.

Dhanka kale Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa kulan gaar ah magaalada Addis ababa  kula qaatay Wasiirka Wasaaradda Qoyska, Dhallaanka iyo Horumarinta  Bulshadda ee Dalka Canada  Axmed  Xuseen waxayna ka wada hadleen iskaashiga Dowladaha  Soomaaliya iyo Canada.

Wasiir Axmed ayaa sheegay in Dowladda Canada ay bixin-doonto 8.1 Milyan oo qeyb ka noqon doonta deymaha laga cafiyay Soomaaliya, isagoo intaa ku daray in dib ay  u bilaaban doonaan socdaalkii Dalalka Soomaaliya iyo Canada.

Wasiir difaaca ee dalka Mudane Xasan Cali Maxamed ayaa uga mahadceliyay Dowladda Canada garab istaagga ay Soomaaliya u muujisay .

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda gaashaandhigga Soomaalya ayaa la kulmay dhigiisa dalka Itoobiya  oo ay ka wada hadleen dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab iyo sidii loo dar dargelin lahaa howlgallada dalka looga xoreynayo maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Sodon sano kaddib Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Difaaca Soomaaliya ayaa ka muuqaneysa kulamada ay yeelanayaan heerka Wasiir ee Dalalka Caalamka.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *