Farmaajo miyey isaga khaldantey, Dowladda Federaalka iyo Nidaamka Federaalka?- FAALLO

Published: February 13, 2020

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa markii u horeysey sanadkan bixiyey waraysigiisi u horeeyey ee uu siiyo Telefishan madaxbanaan.

Waraysiga Madaxweynaha oo taabanaya dhinacyo badan ayaa Madaxweynaha la weydiiyey muranka u dhexeeya Wasaaradda Waxbarashada ee Dowladda Federaalka iyo Wasaaradda Waxbarashada ee Puntland.

Weriye: Ma is leedahay mudane Madaxweyne xurguf siyaasadeed oo idinka idiin dhexeysa in ardeyda Soomaaliyeed mustaqbalkeeda ku waayi karaan?

Madaxweyne Farmaajo: Walaalkey Siciid Deni dhawr jeer ayaan Xamar ku casumey, oo aan ku iri hana dul marin walaaloow ee nagu soo deg, oo noo imow, aan wada fariisano oo aan ka wada hadalno xaaladaha dalka ka jira oo ay ka mid tahay arrinta Imtixaanada, ilaa hadda uma suurta gelin oo waxa uu ku jiraa duulimaadyadiisi, dalalka deriska ah iyo kuwo ka fog!. ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo isaga oo ka jawaabaya su’aasha waxbarashada ee la weydiiyey, isaga oo u muuqda in uu Madaxweynaha Puntland ku eedaynayo safaro badan iyo diidmo casumaad.!

Madaxweynaha ayaa sheegay in halka Madaxweyne Deni uu diidey casumaadiisa isagu uu laba jeer Puntland tegay, kadib doorashadii Madaxweyne Deni.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa faallo ka bixiyey shacabka Puntland iyo sida uu arko waxaana uu yiri:

Shacabka Puntland waa dad dowladnimada jecel waa dad nidaamka federaalka runtii aad iyo aad u jecel, waxay sheegaan in ay yihiin hooyadii federaalka ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo, kadib isaga oo sheegaya waxa shacabka Puntland lagu rabo ayuu yiri: haddaba haddii ay yihiin hooyadii federaalka waxaa laga doonaayey in ay hormuud u noqdaan ka shaqeynta iyo wada shaqeynta Dowladda dhexe iyo Dowladaha xubnaha ka ah, waa dad aad u wanaagsan runtii, isagana (Siciid Deni) waxaan rabey in uu dadka dhegaysto, oo rabitaankooda tixgeliyo, ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo, waxaana uu qexay rabitaanka shacabka Puntland ee la doonaayo Madaxweyne Deni in uu dhegaysto, waxaana uu yiri , rabitaankoodu waa “in dalka midnimadiisa la xoojiyo, wada shaqeynta madaxdu ay wanaagsanaato, si dalkaani u yeesho hurumar iyo mmmmm amniba u yeesho”.

Haddaba Marka hadalka Madaxweyne Farmaajo laga eegbo sanduukha banaankiisa waxaa isaga dhex khaldmey nidaamka federaalka ah ee la doonayo dalka in uu si rasmi ah uga hirgalo iyo Dowladda Federaalka ah, oo lagu eedeeyo in Villa Somalia caqabad ku tahay.

Shaki kuma jiro in shacabka Puntland ay yihiin ilaaliyaasha nidaamka federaalka, kuna bixiyeen dhaqaale iyo dhiigba, sidoo kale waxaan shaki ku jirin in Madaxweyne Farmaajo uu yahay qof aan aaminsaneyn nidaamka lagu heshiiyey ee dalka mideyn kara ee ah federaalka, marka la eego su’aasha la weydiiyey halka ay la martey iyo sida uu markii danbe uga jawaabey.

https://www.facebook.com/horseedmedia/videos/192506131827891/

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, haloo sheego in Puntland federaalka tahay, Jubaland federaalka tahay Hir Shabelle Federaalka tahay, markii shacabku dhahaan federaalka ayaan taageersan nahay ay tahay macnaheedu maamul baahsan waxna la wadaago waxna la kala lee yahay ayaan dooneynaa ee aysan ahayn mid isaga toos u khuseysa.

Madaxweynaha Puntland oo mawjado mucaaradnimo uga furan yihiin magaalada Muqdisho, isaga oo xafiiska joogey 11 bilood, ayaa yimid Puntland bishii Janaayo 2018, waxaana shacabka Puntland ay banaanada ula soo baxeen taageero aan kala har lahayn, Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in waxa uu doonaayey uu ka helay helay shacabka Puntland oo ah in ay muujiyeen dhul badan laga taageersan yahay caalamkana ay fariiin cad u direyso, Madaxweynuhu waxa uu Shacabka Puntland iyo Dwladoodaba u dhagax dhigey Mashaariic badan oo ay ka mid ahaayeen Jaamacadda Umadda iyo Waddooyin, laakiin ma jirto wax dib ugu weydiiyey mashaariicdaas, murankii Imtixaanadana waxa uu uga jawaabey in uu Wasiir Goodax ku taageeray sida uu ula dhaqmey ardeyda dugsiyada Puntland.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *