Farmaajo oo Cudur Ka Bixiyay Tacadiyo Dowladii hore Ka Geysatey Waqooyi Galbeed

Published: February 13, 2020

Madaxweynaha dowladda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa cudur ka bixiyay gaboodfaladii iyo dhibaatooyinii Taliskii kacaaanka ee Siyaad barre uu ka gaystay goboladda Waqooyiga ee Somalia 30 sanno ka hor

Madaxweynaha oo maanta ka hadlyay munaasabad lagu soo xirayay shirka sanadlaha ee garsoora oo muqdisho lagu qabtay ayaa sheegay in ay tahay in dhibaatadii dhacday laga garaabo, lana toosiyo gabood-falladii horseeday in dad Soomaaliyeed ay maanta tirsadaan cadaaladd daro,

Wuxuu soo jeediyay in wadajir la isu cafiyo, si dhidibbada loogu taago hannaan ku dhisan caddaalad loo dhanyahay.

“Waxaa loo baahan yahay garoowshiyo. Wixii xumaa ee dhacay oo la iska cafiyo, dibna aan u saxno bog kasta oo madow oo taariikhdeenna soo galay. Dhibaatadii loo geystay walaalaha Gobollada Waqooyi ma ahayn mid ku saleysan Koonfur oo Waqooyi ku duushay iyo qabiil midna ee waxa ay ahayd hab dowladeed oo markaas jiray.”

“Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa yiri “Anigoo ah Madaxweynihii Qaranka waxaan rabaa in aan cudurdaarkaas sameeyo oo raali-gelintaas aan gaarsiino walaalaheen reer Waqooyi. idinkuna aad ila qaadataan” ayuu sii raaciyay

Cudurkaan iyo raaliganlinta uu madaxweyne Farmaajo uu ka bixiyay gabood faladii iyo dhibaatadii ka dhacday gobolada Waqooyi ayaa ku soo aadaysa kulan magaaladda Adis-ababa ku dhexmaray madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi toddobaadkan.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *